Post View....

Malaayiin Xujey ah oo maanta taagan Banka Carafo

0
113

 

Soomaalida sanadkan xajineysa ayaa saakay ka soo ambabaxay degaanka Mina iyaga oo ku soo jiheystay degaanka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.

Xujeyda ayaa saakay basas looga soo qaaday degaanada ay degan yihiin, waxaana ay isugu tagayaan dhulka barakaysan ee Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaatka Xajka ee sanadkan.

Ciidamo aad u fara badan ayaa la soo dhigay wadooyinka waa weyn ee magaalada Maka Al-mukarama, waxaana gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka u jira 2-KM.

Dadyowga Islaamka ayaa berri isu diyaarinaya inay u dabaal degaan maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa oo ka mid ah Ciidaha muslimiinta.

About Author