Post View....

Kaluumaysato u Dhalatay Dalka Thalland oo Xaaladooda nololeed laga darinaayo.

0
138

Waxaa laga dayrinaayaa Xaalladda ay ku sugan yihiin Koox Kalluumeysto u dhalatay dalka Thailand oo la socota Dooni Kalluumaysi oo ku sugan meel ka baxsan Xeebaha Somalia, waxayna taasi keentay Dareen, kadib markii ay Qoysaskooda ka codsadeen Dowladda dalkaasi in la dardar geliyo sidii Wiilashooda dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.

Dareenka kalluumeysatadaasi ayaa sare u kacday, kadib ,markii mid ka mid ah iyaga uu Wicitaan Muuqala (A Video Call) kula xiriiray mid ka mid ah saaxiibadiisa oo ku nool Thailand, una sheegay inay ku dul xayiran yihiin Doonida “Waddani 1”, isla markaana ay gabaabsi ka tahay cuntada iyo biyaha la cabo.

Kalluumeysatada u dhalatay Thailand waxay sheegeen in hal mar oo keliya la siiyey mushaarkooda muddo 8-dii bilood oo ay u shaqeynayeen Shirkadda leh Doonida Waddani 1, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Shaqaalahaasi oo la sheegay inay Qandaraas 2 sanno ah la galeen Muwaadiniin u kala dhalatay Iiraan iyo Thailand bishii October ee sannadkii hore.

Balse, markii ay dhowr bilood ka shaqeynayeen Badda Iiraan ayaa waxaa Doonidii ay la socdeen iibsaday Muwaadin Soomaali, iyagoo u soo jiheystay Badda Somalia o o ay ka hawl bilaabeen.

Cadaadisyo ka kala yimid Dhowr Hay’addo Dowladeed ayaa waxay wararku sheegayaan inay Shirkadda dib u bilowday inay Shaqaalaha Doonida u geeyaan cunto iyo biyo.

Waxaa la sheegay inay socdaan dadaalo lagu diyaarinayo sidii ay Kalluumeysatada dib loogu celin lahaa dalkooda hooyo.

Nithiwat Thiranantakul oo ah Milkiile u dhashay Thailand oo haatan doorka La-taliye u ah Milkiilaha cusub ee Soomaaliga ayaa sheegay inay arrimo farsamo ku dhaceen inay Kalluumeysatadaasi ka cowdaan inuu ku yaraaday Raashinka iyo Biyaha.

Kalluumeystadaasi ayaa la hadal-hayaa inay goor dhow dib ugu laaban doonaan dalkooda hooyo, balse, Maamulayaasha Thailand ayaa la rajeynayaa inay xaqiijiyaan inaysan weli dhamaan shaqooyinkooda, iyo in lagu baraarugsanaado baahida loo qabo in iyaga la soo badbaadiyo.

Dhinaca kale, Kalluumeysato u dhalatay dalkaasi ayaa iyagana shaqaale ka ah doonyo kale oo ay ku jirto Doonida Waddani 2 oo hal shirkad wada leh labada dooni ee Waddani 1 iyo Waddani 2.

Kalluumeystadda Thailand ee ka shaqeysta Badda Shisheeyaha waxay qaarkooda ka shaqeeyaan meelaha khatarta iyo qeybaha aanu sharcigu ka jirin ee Caalamka.

About Author