Post View....

Guddoomiyihii G/Banaadir oo Maydkiisa Maanta la Keenayo Magaalada Muqdisho.

0
124

Waxaa Magaalada Muqdisho saacadaha soo socda la filayaa in laga soo dejiyo Meydka Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow oo ku geeriyooday dalka Qatar,kadib dhaawac Culus oo kasoo gaaray Qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan Guddiga loo xilsaaray Aaska Qaranka ee loo sameynayo Cabdiraxmaan Cumar Cismaan,waxaana Caasimadda ka socda qaban qaabada Aaskiisa.

Madaxda ugu sareeysa dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb geli doona Aaska Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho oo u geeriyooday dhaawac Culus oo kasoo gaaray qaraxii 24-ka Bishii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir xili uu socday Shir looga hadlayay amniga Caasimadda.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana la xiray inta badan Wadooyinka Magaalada,iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda.

About Author