Post View....

Gaas oo baaq u diray dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda

0
103

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dowladda dhexe ee dowlad goboleedyadda ugu baaqay in ay soo Afjaraan Khilaafka Mudada dheer ka dhex taagan.

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya laga doonaayo in ay tixgaliso hanaanka maamul goboleedyada ay ku shaqeeyaan, islamarkaana ay dardarliso dhismaha maamul goboleedyadda.

Gaas ayaa sheegay in Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda badanaa uu ka yimaado dano gaar ah oo dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya, sidoo kalena waxaa sheegay in dhammaan Hay’addaha kala duwan ee dowladda Khilaafkaasi cuuryaamiyay.

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland Khilaaf ka dhex taagan uu noqday soo jireen Maadaama dowladda Soomaaliya aysan diyaar u aheyn tixgalinta Cabashooyinka maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa lagu xasuustaa intii xilka hayay in Khilaaf ba’an uu kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya,islamarkaana Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya uu u diiday in ay yimaadaan Magaalada Garowe.

About Author