Post View....

Dowladda Yemen oo lagala wareegay magaalada Cadan.

0
118

Kooxaha gooni u goosadka ayaa la wareegay magaala xeebeedka Cadan ka dib maalmo ay dagaal kula jireen ciidamo daacad u ah dowladda Yemen ee uu caalamku aqoonsan yahay.

Xoogagan ree koonfureedka ee ay taageerto dowlada Imaaraadka ayaa waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen saldhigyo militari iyo aqalka madaxtooyada.

Dowladda Yemen ayaa arrinkan ku tilmaamtay “afgembi”.

La wareegida ay kooxahani gooni u goosadka la wareegeen cadan ayaa waxay wiiqaysaa awoodii isbahaysiga ay Sacuudiga hogaamiyaan.

Dhanka kale xulufada ay Sacuudiag hogaamiyaan ayaa waxay sheegeen inay dagaalka Cadan ay soo faragaliyeen islamarkana ay tallaabo militari qaadeen.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa waxay sheegeen in duqaymo dhanka cirka ah ay ku qaadeen saldhigyada ay qabsadeen kooxahan goni u goosadka ah.

Kooxda gooni u goosadka ayaa waxay doonayaan in madaxbanaani la siiyo Koonfurta Yemen.

Dhanka kale shacabka ku nool magaalada Cadan ayaa ka cabanaya biya la’aan iyo cunna yari soo food saartay.

Dadka qaar ayaa waxay sheegayaan iney ku qasbanaadeen iney biya ka cabaan marawaaxaadaha hawada dhaliya biyaha ka dhibca.

Magaalada Koonfureed ee cadan ayaa caasimad ku meel gaar ah u ah dowladda Yemen, iyada oo ammaanka magaalada uu yahay mid liita.

Dagaallada sanadaha badan ka taagan dalka Yemen ayaa sababay iney xaaladda dalka Yemen ay wax weyniska beddelin.

Inkasta oo raja wanaagsan laga muujiyey heshiisyada ka dhex billaawday xoogagga dowladda iyo fallaagada Xuuthiyiinta.

Xigasho: BBCSomali

About Author