Post View....

Colaadda Liibiya: Kooxaha dalkaas ku dirirayay oo ciidda ogolaaday xabbadjoojin

0
105

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay soo dhaweysay xabbadjoojinta ay gaareen dhinacyada ku diriraya dalkaasi ee socon doonta muddada saddexda casho ah ee ay socdaan dabaaldegga Ciidul Adxaa.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa kaddib weerrar lagu gaystay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo Sabtidii ka dhacay magaalada Benghazi halkaas oo ay ku dhinteen saddex ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Xabbadjoojinta ayaa waxaa gaaray dowladda ay Qaramada Midoobay baritaarto iyo hogaamiyaha fallaagada Janaraal Khaliifa Xaftar.

Ciidammada Xaftar ayaa tan iyo bishii Abriil waxa ay weerrarayeen magaalada caasimadda ah ee Tripoli. In ka badan 1,000 qof ayaa dhimatay sida ay sheegayso Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Janaraal Xaftar ayaa ogolaaday xabbadjoojinta “si muwaadiniinta Liibiya ay nabadgalyo ugu dabaaldegaan maalmaha ciidda”, afhayeenkiisa Axmed al-Mesmari ayaa sidaasi sharraxay.

Xabbadjoojinta ayaa bilaabatay 15:00 waqtiga maxalliga ah ee Sabtidii waxa ayna socon doontaa ilaa gelinka dambe ee Isniinta, afhayeenka ayaa sidaasi ku daray.

Xigasho: BBCSomali

About Author