Post View....

Dad Ku Geeriyooday Haween Isku Qarxiyey Nigeria

0
120

Shaqaalaha Gurmadka ayaa sheegay inay Labadaas haween isku qarxiyeen dad ku sugnaa Degmadda Mafa oo 50 KM u jirta Caasimadda Gobalka Borno ee Mayduguri.

Haweenkaasi ayaa la sheegay inay  isku soo dhex qariyeen koox Haweenka Deegaanka oo  ku soo laabtay Degmadda.

Afhayeenka Deegaanka, Adaamu Maxamed waxa uu sheegay inay Haweenekaasi weerarka la beegsadeen goob ay dad badan joogeen.

Weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhaca dalkaasi waxa uu dhacay bishii June ee sannadkan, iyadoo ugu yaraan 30-qof lagu dilay  Saddex Is-qarxin oo ka dhacday goob lagu daawanayey Ciyaar Kubbadda Cagta.

About Author