Boliska Ethiopia ayaa la sheegay inay dad u xireen Isku-day lagu doonayey inuu Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar kaga baxsado Xabsiga Qaaliti ee ku yaalla magaalladda Addis Abeba.
Wargeyksa The Reporter ee ka soo baxay Ethiopia ayaa qoray in bishan August 5-dii la xiray dadĀ doonayey inay Cabdi Mxaamuud Cumar xoog ku sii daayaan, xilli isaga loo sii waday Maxkamadda.
Wargeyska waxa uu qoray inay Ciiddanka dad xireen, isla markaana ay qabteen hub aan cadadiisa la sheegin.
Madaxweynihii hore ee Is-maamulkaĀ Soomaalida oo xilka laga tuuray bishii August ee sannadkii hore ee 2018-kii, iyadoo ay Ciiddanka Federalka xilligaasi ka soo qabteen magaalladda Jigjiga.
Wxaa lagu eedeyey Tacadiyo ka dhan ah Aadanaha iyo inuu amray in dad surka laga jaro.
Baaritaanadda Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaasi oo socday muddo 5 bilood ah ayaa waxaa lagu sheegay in dacwado lagu soo oogay Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyo 40 Saraakiil oo weli baxsad ku jira.
Xeer-ilalainta waxat sheegeen inuu Cabdi Maxamuud Cumar iyo dad la eedeysan ay ka dambeeyeen dilkii 58 qof oo uu ku jiray Baadari lagu gubay KaniisadĀ iyo dhawaaca 266 kale muddadii ay socdeen Colaadaha, iyo inuu Cabdi maxamuud Cumar dhiiri-geliyey qalalaasihii ka dhacay Jigjiga.