Post View....

Carwada Buugaagta Muqdisho Oo Marki Shanaad Maanta Laqabtay

0
163
Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah looga furay Carwada buugaagta Muqdisho oo ssanadkii shanaad oo xiriir ah Muqdisho lagu qabanayo. Maxamed Diini oo ah agaasimaha Hay’adda New Hirizom oo sanad walba soo agaasinta bandhiggan oo hadal ka jeediyay furitaan Bandhigga ayaa soo dhoweeyay marti sharafta ka soo qeyb gashay bandhigga.
Ku simaha guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle, Guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada iyo wacyagelinta gobolka Banaadir Basmo Caamir, iyo masuuliyiin kale ayaa khudbado ka soo jeediyay xafladda furitaanka Carwada oo saddex maalmood Muqdisho ka socon doonta.
Dad iska diiwaan galinaya albaabka hore ee xarunta bandhiga carwada buugaagta Muqdishu.
Wasiiru dowlaha waxbarashada Cabdiraxmaan Jaabiri ayaa si rasmi ah u furay bandhigga shanaad buugaagta Muqdisho. Halkudhigga sanadkan loo qaatay bandhigga buugaagta Muqisho ayaa ah “Helitaanka waxbarashada” waxaana dhammaan dood cilmiyeedyada lagu soo bandhigayo madasha looga doodayaa sida ugu fudud ee loo faafin karo kacdoonka akhris qoraalka.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ah qoraayaal Soomaaliyeed iyo kuwo shisheeye oo dal iyo dibedba isaga yimid. Maalinta Jimcaha oo uu soo xirmi doono bandhigga ayaa la filayaa in uu soo xiro madaxweynaha dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

About Author