Post View....

SHEEKH MUSTAFA: “Mas’alada ah Soomaali way baaba’day oo ma soo kaceyso waa wax aan jirin”

0
127

Sheekh Mustafa Ismaaciil Haaruun oo ka mid ah mashaa’iqda caanka ah ee Soomaaliyeed isla markaana ah daaci isku darsaday culuunta Islaamka iyo midda maadiga ah ayaa khudbad aan caadi aheyn waxa uu u jeedinayay Soomaali qurbajoog ah waxa uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo isugu ka soo jeedo.

Muxaadarada oo ciwaankeedu ahaa ‘Sidee lagu gaari karaa isbedel dhab ah?’ waxa uu Sheekh Mustafa uga hadlay dalalka Muslimka ah iyo xaaladihii ay soo mareen, taasi oo intooda badan halgan dheer u galay xornimada dalalkooda.

Xaaladda dalka Soomaaliya iyo dhibaatada ragaadisay mudada 30-ka sano ah ayuu Sheekh Mustafa sheegay inuu isagu aamisan yahay in aakhirka laga baxayo xaaladda adag ee uu dalku ku jiro, isagoona si gaar ah hoosta uga xariiqay khilaafka Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya ee uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.

“Mas’alada ah Soomaali way baaba’day oo ma soo kaceyso waa wax aan jirin” ayuu yiri Sheekh Mustafa oo sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya dhabihii saxda ahaa, isagoo sheegay in dariiqa bilowgiisa ay fure u tahay isbedel ku yimaada waxyaabaha ay iminka kala aaminsan yihiin labada dhinac.

Sheekh Mustafa ayaa isweydiiyay in la qaadayo wadadii guusha iyo in weli la heynayo dhabihii lagu sii baaba’ayay, isagoona ka dalbaday dadkii uu muxaadarada u jeedinayay inuu dib uga fekero sidii Soomaalida dib ugu midoobi laheyd.

“Waxaynu u baahanahay inaan tiradeena tayo u yeelno, inaynu dib boogaha u dhayi karno, dib u wadahadli isma khasbi karno” ayuu yiri Sheekha oo sheegay in dadka qaar ay weli taagan yihiin Soomaali waa muqadas taasina mar hore ay meesha ka baxday.

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=_o5A-Smzozs?start=78&feature=oembed&w=696&h=392]

Diyaariye: Jabriil M. Nuur (Jabra)
E-mail: [email protected]
Muqdisho – Soomaaliya

About Author