Post View....

XOG:Xaaf oo iska diiday dalab culus oo uu hordhigay Qoor Qoor & Khilaafka oo sii xoogeysanaya

0
58

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wali ku adkeysanaya mowqifkiisa ku aadan inuu wali yahay madaxweynaha saxda ah ee Galmudug,isagoona diiday dalab uga yimid madaxweynaha la aqoonsan yahay ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Odayaal dhaqameed ka tegay magaalada Dhuusamareeb oo xaaf kula kulmay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay ineysan natiijo wanaagsan kala kulmin Xaaf,wuxuuna u sheegay u sheegay inuu wali yahay madaxweynaha saxda ah ee Galmudug.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mr. Qoor Qoor ayaa wada kulamo uu ku xalinayo khilaafka ka jira Galmudug,wuxuuna shirar gaar gaar ah iyo mid guudba la yeeshay Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ahlu suna ayaa dhankooda culeys weyn ka jiraa,waxayna meel la fadhiyaan madaxweyne Sheikh Maxamed Shaakir oo ay doorteen Xildhibaanada Galmudug garabka Ahlu suna.

Xaalad jahwareer ah ayaa ka taagan siyaasadda Galmudug,waxayna Beesha caalamka ku baaqday wada hadal iyo in xal mideysan laga gaaro khilaafka jira.

Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka ayaa aqoonsan madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoor Qoor oo todobaadyo ka hor lagu doortay magaalada Dhuusamareeb.

About Author