Post View....

XOG:Axmed Madoobe oo looga yeeray Itoobiya & hal arrin oo sabab u ah

0
53

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa inoo sheegay in madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe looga yeeray magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Sida aan xogta ku helnay, Axmed Madoobe ayaa fariin ka helay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed,taas oo quseysa arrimaha gobolka iyo Khilaaf sii daba dheeranaya ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda Adis-ababa ayaa isku dayeysa iney dowr muhiim ah ka qaadato xalinta khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland iyo sidii la isugu soo dhoweyn lahaa.

Dhanka kale, Dowladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyaa iney gacan saar la leedahay Xukuumadda Muqdisho,islamarkaana xiisad colaadeed ka abuureyso deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa kal hore Beesha caalamka u gudbiyay warqad dacwo ah oo ka dhan ah Itoobiya,wuxuuna uga digay faragelinta ay ku heyso qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

About Author