Post View....

SAWIRO:Madaxweynayaashi hore Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo Muqdisho dib ugu soo laabtey

0
53

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo safar ugu maqnaa dalka dibaddiiisa ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Madaxweynihi hore oo ay soo dhaweeyeen qaar kamid ah madaxda Xisbiyada ku mideysan Madasha, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka, Odayaal dhaqameed iyo hoggaanka garabyada Haweenka iyo dhallinyarada ee Madasha ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta isagoo safarkiisa ku tilmaamay mid uu ku gudanayay waajib Qaran oo saaran muwaadin kasta oo u istaagi kara danta guud.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga UPD ahna Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo uu ku maqnaa muddooyinkii la soo dhaafay.

Madaxweyne Xasan waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran, Xisbiga UPD, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamanka iyo masuuliyiin kale.

About Author