Post View....

XOG:DENI Oo Ku Gacan Seeray Qorshe Ay Gadaal Ka Riixeysay Villa Somalia Oo La Hordhigay

0
69

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ku gacan seeray qorshe lagu dhex dhexaadinayay maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib markii sii xoogeystay Khilaafkooda.

Xo aan ka helnay madaxtooyada Puntland, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya deegaan doorashadoodana ay tahay Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay waan waan ka dhex waday maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,kaas oo la doonayay in la isugu soo dhoweeyay dhinacyada is diidan.

Sida wararka aan ku helnay,Xildhibaanada ayaa khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi DENI iyagoo u sheegay in muhiim ay tahay in la wada hadlo,islamarkaana wax walba wadar ogol lagu dhammeeyo.

Madaxweynaha Puntland oo uga mahad celiyay Xildhibaanada dadaalada ay wadaan ayaa hadana uga cudur daartay in ka hor shirka uu iclaamiyay 15-3-2020 ka hor go’aan gaari karin,balse muhiim ay tahay in wada shaqeyn dhow ay dhexmarto maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Deni,ayaa u yeeray dhammaan xubnaha labada aqal ee Puntland ku matala faderaalka.

Sidoo kale Madaxweyne Deni waxuu uyeeray guud ahaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta Puntland si wadatashi looga yeesho xaaladda sii xumaanaysa ee Puntland iyo Dowlada Faderaalka.

Waxaa hadda meel xun maraya Khilaafka ka dhaxeeyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo dhinac ah iyo Dowladda Federaalka,kaas oo salka ku hayo arrimaha dastuurka dalka iyo hanaanka awood qeybsiga.

 

About Author