Post View....

Daawo Vedio:Puntland oo dil toogasho ku fulisay raggii lagu helay dilkii iyo kufsigii Caa’isha Ilyaas

0
75

Maamulka Puntland ayaa saaka dil toogasho ku fulisay raggii loo xukumay kufsigii iyo dilkii ka dhacay magaalada Boosaaso, ee loo geystay Caa’isha Ilyaas oo aheyd gabar 13 jir ah.

Fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu toogtay labo ka mid ah saddexda ruux ee horay lagu helay falkan kufsiga iyo dilka inay ka dambeeyeen.

C/fataax C/raxmana Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah, halka qofka saddexaad C/salaan C/raxmaan Warsame 10 maalmood dib loo dhigay in la toogto

Wararka ayaa sheegaya in sababaha dib loogu dhigay xukunsanaha saddexaad in saaka la toogto lagu sheegay codsi ka yimid  Maamulka Puntland iyo aabbe Ilyaas Aadan oo dhalay Caa’isha Ilyaas.

Raggan Saddexda ah ee loo heystay kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas Aadan ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tagay ee 2019 waxaa Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku ridey xukun dil ah, iyadoo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas, kadib markii ay racfaan ka qaateen.

24-kii February sanadkii 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 13-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray, hayeeshee maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa agagaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay, waxaana dhacdadaas ay noqotay mid Bulshada Soomaaliyeed badankood ay ka fal celiyeen.

About Author