Post View....

Qoorqoor oo ergadii ugu horeysay u diray Ahlu Sunada Galmudug & Xaalka Galmudug

0
65

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda ayaa dadaal ugu jira, sidii xal looga gaari lahaa khilaafka kala dhaxeeya Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Ahlu Sunada Galmudug oo ka hortimid doorashadii ay garwadeenka ka ahayd Dowladda Federaalka ayaa Madaxweynaha Galmudug waxay u dooratay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Ahlu Sunna ayaa sidoo kale ka hortimid inay aqoonsato doorashadii lagu soo doortay Axmed Cabdi Kaariye.

Madaxweyne Qoorqoor oo gelinkii dambe ee Isniintii odayaal ay ka mid yihiin kuwo Beesha Cayr kula kulmay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka codsaday inay kala shaqeeyan xal u helidda khilaafkan taagan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Odayaasha Dhaqanka weydiistay in lala kulansiiyo Hoggaanka Ahlu Sunna, bal si xal loogu helo khilaafka maamulkiisa kala dhaxeeya Ahlu Sunna.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor uu ergo ka dhigtay Odayaasha Beesha Cayr, si ay ugu taggaan Hoggaanka Ahlu Sunna, ayna gaarsiiyeen ergaynta ay ka yihiin.

Ilo muhiim ah ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu Ahlu Sunna u ogolyahay awood qaybsi siyaasadeed, barnaamijkaasina uu ku soo bandhigi doono, goorta ugu horeyso ay suurtagasho inay kulmaan.

Warbaahinta gudaha  ayaa fahamsan in Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu Ahlu Sunna u soo bandhigay in saddex wasiir oo muhiim ah laga siin doono Golaha Wasiirada cusub ee maamulka, taasi bedelkeedana laga doonayo inay aqbalaan Doorashadii Madaxweyne Qoorqoor, balse ay Hoggaanka Ahlu Sunna iska diideen.

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay Magaalada Dhuusamareeb kulamo kala duwan ka kala wadeen labada maamul ee ka jira magaaladaasi ayaa waxaa hadana barbar socday dadaalo lagu doonayo in labada dhinac la isugu soo dhaweeyo.

Dhinacyada siyaasadda Galmudug ayaa si weyn isugu khilaafay Doorashada Galmudug, ee markeedii ugu horeysay lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.

Khilaafkan ayaa soo ifbaxay, ka dib markii saamileyda siyaasadda Galmudug aanay ku qancin dhabihii ay dowladda u martay doorashadii lagu kala qaybsamay, ee 2-dii bishan ka qabsoomtay Magaalada Dhuusamareeb, laguna soo doortay Qoorqoor.

 

About Author