Post View....

XOG:Arday reer Puntland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay ugu galaan intixaanaadka Dowladda

0
54

Arday reer Puntland ah ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, si ay ugu galaan intixaanaadka shahaadiga ee Dusiga Sare, ee ay qaaddo Dowladda Federaalka Somaliya.

Ardaydan oo diyaarad ka soo raacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Isniintii ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Waxbarashada Somaliya ayaa sheegay in ardayda reer Puntland looga baahan yahay inay ka qaybgalaan imtixaanaadka ay qaaddo Dowladda Federaalka, haddii kalena aanay heli doonin shahaadada Dugsiga Sare.

Ardaydan oo ka mid ah ardayda sanadkii hore ka qalin jebisay qaar ka mid ah iskuulada ku yaala Deegaanada Puntland ayaa Magaalada Muqdisho u yimid, si ay u galaan imtixaanaadka shahaadiga, isla-markaana ay u hellaan shahaadada Dugsiga Sare.

Ardayda wax ka barata iskuulada ku yaala Puntland ayaa waxaa saamayn ku yeelatay awaamiirtii Dowladda Federaalka ee Puntland diiday, ee ahaa in ardaydaasi looga baahan yahay inay u fasiirtaan imtixaanaadka ay qaaddo Dowladda Federaalka, haddii kalena aanay heli doonin shahaadooyinka ay bixiso dowladda.

Toddobadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa cirka isu shareeray khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka, ee la xiriiray in ardayda wax ka barata Puntland, ay ka qaybgalaan imtixaanaadka shahaadiga ee dowladda, haddii kalena ay la kulmi doonaan ciqaabta ah inaysan helin shahaadooyinka dowliga ah.

 

About Author