Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada AMISOM ayaa waxaa Magaalada Muqdisho uga furmay shir ay uga hadlayaan dhimista Ciidankooda Soomaaliya iyo howlgallada amaanka ee ka dhanka ah Al-shabaab.
Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM, Tigabu Yilma, ayaa sheegay in shirka oo soconaya laba maalmood ujeedadiisu tahay is waafajinta dhimista 1,000 ka mid ah Ciidanka AMISOM iyo joogteynta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Waxaa kale oo uu taliye Yilma, sheegay in loo baahanyahay in iyada oo la fulinayo qaraarka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ee dalbanayay yareynta Ciidanka AMISOM, haddana aanay dhicin in degaannada ay ka baxayaan Ciidamadaas aysan qabsan Al-shabaab.

“Ajandaha ugu weyn ee shirka ayaa ah qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee sanadkii 2019, kaas oo dhigaya in 1000 askari laga dhimo ciidanka AMISOM ,xaaladda guud ee amniga iyo hawlgallada mustaqbalka, gaar ahaan dib-u-habeeynta iyo isku xirka howlgalka ee 2020, ”ayuu shirka ka sheegay Jeneral Tigabu.
Taliyaha Ciidanka AMISOM , ayaa ka codsaday taliyayaasha in ay hormariyaan Istiraatiijiyad lagu xoojinayo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab si uusan dib u dhac ugu iman bixitaanka Ciidamada AMISOM ee kama dambeys Soomaaliya ka baxaya December 2021.
Gaba gabada shirka ayaa waxaa ka qeybgelaya Wakiillo ka kala socda Beesha Caalamka, Qaramada Midoobey, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillo ka socda dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.