Post View....

Dowladda Somalia oo bilaawday Dadka kasoo degaya Garoonka Aadan-Cadde oo laga baarayo Coronavirus

0
70

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho waxaa ay Maanta ka bilaawdey dadka kasoo degaya in lag baaro cudurka Cudurka Corona virus ee ka dilaacey.

Dhaqaatir ka tirsan Wasaaradda ayaa howshaas ka wada Garoonka,waxaana sidoo kale ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka,waxaana dhaqaatiirta ay mid mid u baarayaan dadka kasoo degaya Garoonka.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay shweegeen in tallaabadan looga gol leeyahay sidii looga hortegi lahaa halista ka imaan karta cudurkaas dilaaga ah.

Cudurka Corona virus ayaa waxaa uu markiisii hore ka dilaaceu dalka Shiinaha,waxaana la sheegay inay jiraan in uu ku faafay dalal ku yaalla Qaarada Afrika,waxaana bilaawdey dadaalo looga hortagayo cudurkaas.

 

About Author