Post View....

XOG: Qoor Qoor & Sheikh Shaakir oo kulan Albaabada u xiran yahay ku yeeshay Madaxtooyada Galmudug

0
62

Madaxweynaha la doortay ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoo Qoor ayaa xalay Kulan Albaabada u xiran yahay kula yeeshay Madaxtooyada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir oo ay Xldhibaanada garabka Ahlu suna u doorteen inuu noqdo madaxweynaha Galmudug.

Inkastoo kulanka wariyaasha laga qariyay hadana ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada Galmudug ayaa inoo sheegay in martiqaadka uu fidiyay madaxweyne Qoor Qoor,islamarkaana uu Sheikh Shaakir kagala hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa howlaha muhiimka ah ee horyaala Galmudug-ta cusub iyo in xal waara laga gaaro tabashada iyo mad madowga Ahlu suna iyo maamulka Galmudug ka dhex jira.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa la sheegay inuu ku soo dhammaado is af-garad,balse lama sheegin wuxuu yahay is af-garadkaas,waxaana aad loo adkeeyay ammaanka goobta uu shirka ka dhacayay.

Hoggaanka Ahlu suna ayaa wali ka biyo diidan iney qeyb ka noqdaan maamulka cusub ee Galmudug uu majaraha u hayo Axmed Cabdi Kaariye oo Wasiiru Dowle ka soo noqday Xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre.

Hadal kooban uu jeediyay madaxweynaha cusub ee Galmudug guushiisa ka dib ayaa sheegay inuu geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuuliyo sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Shacabka Galmudug,islamarkaana goob kasta ugu tegayo cid kasta oo tabasho qabta.

About Author