Post View....

Wararkii ugu dambeeyey Wasiir Janan oo kulamo ka wada Degmada Beled-Xaawo

0
58

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu Maanta barqadii gaarey degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo,kaas oo la sheegay in diyaarad Millateri ay kasoo qaadey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maamulka degmada Beled-Xaawo,Odayaasha Dhaqanka,iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa la sheegay in uu kulamo kula leeyahay Magaaladaas.

Kulamada ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladaha ka jira Gobolka Gedo oo dowladda Soomaaliya ay maalmihii la soo geyneysay Ciidamo farabadan oo badankood laga qaadey Magaalada MUqdisho.

Booliska Soomaaliya ayaa Maanta soo saarey waaran Caalami ah oo Booliska Interpol looga dalbanayo in Dowladda Soomaaliya loogu soo gacan geliyo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabi Nuur Janan.

Lama oga sida loo wajihi doono soo qabashada Janan oo Ciidamo farabadan oo taagersan ay ku sugan yihiin degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland.

 

About Author