Post View....

XOG:Shabaab oo ku biiray ganacsi si xooli ah Oga socda Muqdisho iyo gobolada dalka

0
64

Xog ay Heshay Warbaahinta Badweyn Xubno katirsan Ururka Al Shabaab ayaa ku biiray ka ganacsiga Sarifka lacagaha.

FOREX TRADING ayaa Aad ugu soo badanayey Xarumaha ka shaqeeya Magaalada Muqdisho inkastoo Bilo ka hor ay Dawlada soomaaliya xanibtay Akoonada Shirkadahaasi.

Hase ahaatee xog la helay waxay is afgarad dhexmartay Dawlada Dhexe iyo Dhalinyarada Shaqadaasi ku jira Ee Sarifka Lacagaha Internet-ka lagu sameeyo.

Xubno Al Shabaab ah ayaa la xaqiijiyey inay Lacagahooda ku bixiyeen sidii ay Faa’iido uga heli lahaayeen Sarifkaasi.

Qof shacab ah oo ku nool deegaanka Kuunya Baroow ayaa inoo sheegay inuu arkay dad badan Oo Qaarkood Shabaab yihiin oo ku biiray FOREX TRADING dadkana lagu qal qaalinayo inay ku biiraan.

Sax ahaanshiyaha diinta Islaamka Lacagaha kasoo xarooda sarifka Lacagaha Ee Internet-ka ayaa Culimadu ku kala aragti duwanaadeen Qaarna waxay ku sheegeen Xaaraan kuwana waa ay fatwoodeen inay xalaal tahay.

Xigasho warqaad

About Author