Post View....

XOG: Axmed Madoobe & DENI oo wada Qorshe halis ku ah Villa Somalia & UAE oo gadaal ka riixeysa

0
58

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka shaqeynaya sidii loo fashilin lahaa horumarada ay ku talaabsaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ayaa mashruuc lagu curyaaminayo Dowladda Dhexe ka helay Imaaraadka Carabta oo xiriir wanaagsan kala dhaxeyn Villa Soomaaliya.

Sida aan xog hoose ku helnay,dhaqaalo fara badan ayuu Imaaraadka Carabta ku bixiyay sidii loo dhabar jabin lahaa howlaha Qatar ay ka wado Soomaaliya,taas oo u cuntameyn badi Dowladaha Carabta oo dagaal siyaasadeed kula jira Xukuumadda Dooxa.

Khilaafka Puntland iyo Jubbaland oo dhinac ah kala dhaxeeyo Dowladda Farmaajo ayaa marba marka ka sii dambeysa xoogeysanaya,waxayna arrintaan saameyn ku yeelatay socdaalka dhanka hawada ka dib markii amar ay soo saartay lagu joojiyay duulimaadyada Dalka.

About Author