Post View....

XOG:Farmaajo oo 2-arrin darteed ugu wajahan Dh/mareeb,Qorshaha Ahlu suna & Xaaf

0
59

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb  ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ujeedka safarka madaxweyne Farmaajo uu ku tegayo magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay iney tahay xalinta tabashada ka jirta doorashadii ka dhacday magaaladaas iyo in laga wada shaqeeyo midnimada iyo Wadajirka Galmudug.

Sida wararka aan ku helnay,madaxweynaha ayaa ku aadaya Dhuusamareeb dalab kaga yimid Waxgaradka Dowladda taageersan ee ku sugan magaaladaas,kuwaas oo ku dhiira geliyay madaxweynaha iney Shacabka iyo dhinacyada careysan ay doonayaan inuu la hadlo madaxweynaha.

Dhuusamareeb oo hadd ay fadhiyaan labo madaxweyne oo mido ay aqoonsan tahay Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka ayaa waxaa ka socda kulamo la isugu soo dhoweynayo maamulada is diidan.

Madaxweynaha cusub ee la doortay ayaa durba bilaabay inuu la kulmo dhinacyada kala duwan ee Bulshada,kuwaas oo uu kala hadlay hanaanka dib u heshiisiinta iyo hore u socodsiinta maamulkiisa cusub.

About Author