Post View....

XOG: Xaaf oo shuruud ku xiray kulan uu Dh/mareeb ugu yeeray madaxweyne Qoor Qoor

0
62

Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” ayaa wada qorshe uu kula kulmayo dhinacyada tabashada ka qabta hanaanka dhismo ee maamulka Galmudug,wuxuuna gogol u fidiyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa xalay khadka taleefan kula hadlay madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo ku sugan magaalada Gaalkacyo,isagoona ka dalbaday inuu wada hadal ugu yimaado magaalada Dhuusamareeb si loo xal waara looga gaaro cabashada jirta.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Waare uu shuruud ku xiray imaanshaha Dhuusamareeb,isagoona u sheegay iney muhiim tahay in xal laga gaaro tabashadii horay u jirtay lana garto in maamul u dhisan yahay Galmudug lana sugo dhammaadka mudo xillieedkiisa.

Xaaf ayaa ka biyo diiday aqbalaadda natiijadii ka soo baxday doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusamareen,wuxuuna warbaahinta u sheegay inuu isaga wali uu yahay madaxweynaha xaqa ah ee Galmudug,islamarkaana mudo 8-bilood ah u harsan tahay.

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ku howlan isku soo dhoweynta dhinacyada isku haya Galmudug si shacabka u helaan maamul mideysan oo loo dhan yahay.

Hoggaanka Ahlu suna ayaa dhankooda ku adkeysanaya ineysan aqoonsaneyn doorashadii uu ku soo baxay Qoor Qoor,waxayna ugu baaqeen Beesha caalamka iney soo farageliyaan howlaha Galmudug ka socda.