Post View....

Xildhibaanada laga soo doorto Mandheera oo Kenya ka dalbaday in wasiir Janan iyo Ciidankiisa ka saaraan Deegaankooda.

0
58

Xildhibaanada laga soo doorto Bariga Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ka hadlay xaalada Mandheera iyo Arrimo la xariira Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Xildhibaanada oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa waxaa sheegeen inay doonayaan in Ciidamada Wasiir Janan ee ku sugan gudaha Mandheera si deg deg ah looga saaro Magaalada, kadib markii halkaas ay fariisimo ka sameeysten.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxay tilmaameen in Ciidanka Wasiir Janan ay halis ku yihiin amniga, isla markaana waxay Wasiirka amniga Jubbaland ka dalbadeen inuu si deg deg ah isaga iyo Ciidankiisa uga baxaan deegaanka.

Mid kamid ah Xildhibaanada laga soo doortay Bariga Magaalada Mandheera ayaa waxaa carabaabay in Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland iyo Wasiir Janan ay degan yihiin hotel ku yaalla Mandheera ayna la joogan Ciidamo aad u hubeysan.

Waxaa kaloo Xildhibaanada ay dowladda Kenya ugu baaqeen in Mandheera ay ka saarto Wasiirka amniga Jubbaland oo haatan baxsad ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana dhawaan soo saartay Waaran Caalami ah oo loogu soo gacan-gelinayo.

Cali Roba oo ah Guddoomiyaha Mandheera ayaa isla tilmaamay in Ciidankii Jubbaland ee ku sugnaa Degmooyinka Balad-xaawo iyo Doolow ay soo galeen gudaha Mandheera, kadib markii degmooyinkaas maalmo kahor ay la wareegeen Ciidanka dowladda Soamlia

Si kastaba Wasiirka amniga Jubbalan ayaa haatan ku sugan Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana uu horey u tegay Mandheera, hayeeshee dib ayuu uga soo laabtay, isagoona baxsad ka ah dowladda Federaalka oo baadi goob ugu jirto.

About Author