Post View....

War Deg Deg Ah Oo Galabta Naga Soo Gaaray Madaxtooyada Kismaayo

0
60

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu galabta ka dhacay Kulan udhaxeeyey Saraakiil Mareykan ah iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Kulanka ayaa looga hadlay sida la sheegay Dagaalka lala gelayo Al shabaab,dacwad uu ka gudbiyey Madoobe Dawlada Dhexe iyo Duulaankeeda Gobolka Gedo.

Waxay Saraakiisha Mareykanka ka socday sheegeen in meel wanaagsan marayo Dagaalka Argagaxisada Al Shabaab lagula jiro sida ay warka udhigeen.

Saraakiisha ayaa waxay sheegeen inay ka go’an tahay taageerada Ciidanka Jubbaland ay siiyaan inay sii wadaan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Axmed Islaam Madoobe uu ka codsaday in Hub iyo Saanado lagu taageero Maamulkiisa si uu uxoreeyo deegaanada weli Shabaab joogaan.

Si maldahan ayuu usheegay in Mareykanka uu ciidankiisa Jubbada Hoose kusugan ka taageeraan Dagaalka Dawlada Dhexe la galayo Ee Gobolka Gedo,balse taas wax jawaab ah lagama siin.

Ciidamo Mareykan ah ayaa waxay kusugan yihiin Duleedka Kismaayo,iyadoo dhowr mar ay Ciidankaasi ka taageereen Duqeymo lagu beegsaday Al Shabaab Deegaanada Jilib iyo Bu’aale.

About Author