Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Magacaabay Guddiga Soo Xulista Barlamaanka Labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 10 Xubnood ayaa waxaa ay leeyihiin Guddoomiye,guddoomiye kuxigeen, Xogeyn iyo 8 Xubnood oo kamid ah guddiga soo xulaya Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Cali Ibraahim ayaa Warbaahinta u Akhriyey Xubnaha Guddiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Maxamed keerow Maxamed Gudoomiye
Mudixiin Aaadan Ibraahin Gudoomiye ku xigeen
Aadan Maxamed Cali Xoghayn
Mowlid Xasan Axmed Xubin
Jaylaan Maxamed Cawf Xubin
Faadumo Maxamed Axmed Xubin
Aamino cumar Maxamed Xubin
Cumar Cali Isaaq Xubin Xubin
Faarax Sheekh Maxmed Xubin
Caa’isho ibraahim Cali Xubin.
Guddigaan ayaa waxaa ay ka Shaqeyn doonaan sidii ay u soo xuli lahaayeen Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed oo ka koobnaan doona 95 Mudane.