Post View....

Xildhibaan Moge ”Nin Qarax kuugu Dilay Hoos kuuma Jiido…”

0
99

MAQAAL GAABAN 3da Feberaayo 2020

Waxaa soo ifbaxday in Saraakiil iyo Ciidan u haysta in ay ka sareeyaan sharciga iyo dadka loo yahay madaxda. Waxaay kula dhaqmayaan shacabka reer Warsheikh gumeysi iyo siyaasadiisii aheyd yaanan dadka loo naxariisanin.

NIN QORAX KUUGU DILAY HOOS KUUMA JIIDO.

Wax kasta oo soo gaara shacabka reer Warsheikh oo la rabay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Amniga waxaa masuul ka ah cidda siisay awoodaas ciidan oo maamul dumis ah.
Aaway Gudoomiyaha degmada Warsheikh?
Aaway Saldhiga degmada Warsheikh?
Aaway maxkamada degmada Warsheikh?

Waxaa loo baahan yahay dadweynaha reer Warsheikh – Ganacsato, Culumo, Waxgarad, Xildhibaanada, haweenka, iyo dhallinyaro in ay u istaagaan degmada Warsheikh iyo sida golaheeda deegaanka u shaqeyn lahaa, sida Saldhigeeda u shaqeyn lahaa, sida maxkamada u shaqeyn laheyd. Ma ahan in maamulka degmada, Saldhiga, iyo Maxkamada Albaabada loo soo laabo. Aaway Siminaaraddii loo ballan qaaday golaha deegaanka? Aaway ballantii muddo sannad ah waxaa socod siin doona degmada iyo golaheeda UNDP inta ay ka tababaranayaan una sameeysanayaan shuruucda ay wax ku maamuli lahayeen. Ma ahan NGOyadda, iyo Wasaaradaha arrimaha gudaha heer gobol iyo heer federaal in ay sidaas ku dhisaan gole deegaan, kedibna uga soo dhaqaaqaan meel cidla ah.

QOWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN, laguma dhaqi karo dad iyo deegaan. Degmooyinka kale ee Hirshabeelle haka feejignaadaan NGO-yada iyo Wasaaradaha la shaqeeyo.

Haddaba si wax loo saxo waa in kuli laga qeyb qaato si waxtar muuqda leh badbaadinta Degmada Warsheikh iyo golaheeda deegaanka.

Waxaa halkaan uga mahadcelinaa gudoomiyaha gobolka Sh/dhaxe mudane Ahmed Meyre Makaraan kaalinta uu ka geeystay soo deynta 3 qof oo guryahooda laga soo qafaashay oo ku yaalo degmada Warsheikh kedibna mooro ku taal ceelmacaan lagu haayay 4 maalin iyo 4 habeen, sida oo kale mahadsanid gudoomiyaha Warsheikh mudane Hassan Ahmed Darafeey. Dadkaas waxaa la soo qafaalay subaxdii hore ee khamiista si madaxda imaaneysa Haabaay jimcaha loo tuso. 3daas qof waqtiga sahminta garoonka diyaaradaha madaxdii timid waxaa lagu wargeliyay in ay ahayeen burcad la soo qabtay saas awgeedna amniga degaankan uu nabad yahay, lana sii daayay maxkamad iyo oogis dacwo la’aan manta 3da Feberaayo 2020. Aaway xuquuqda banii’adanimo ee dadkaas la rabo in deegaankooda lagu dhiso Garoon Caalami ah. SAC RUQ AH OO DADKIISA SEEYNTA UGA FADHIYAAN MA KACAAYO.

Sida oo kale waxaan leeyahay mahadsanidiin golaha deegaanka Warsheikh qaarkiis oo kulan wada tashi ah yeelanay. Waloow xildhibaanadeena Warsheikh ku talo jirno shir ay u dhan yahay xubnaha golaha deegaanka mustaqbalka dhaw, Si ay maamulkooda u hantaan.

Sharciga tirsigiisa yahay GSHDDGHSH/004/18, laguna dhisay golaha deegaanka iyo dowladda hoose ee degmada Warsheikh, qodobkiisa 49aad, DAKHLIGA DOWLADA HOOSE (Canshuuraha) ayuu ka hadlaa, waloow isla sharcigaas leeyahay golaha ha soo saarteen xeerkii dowladda hoose ee lagu hagi lahaa canshuuraha, ruqsadaha dhulka iyo shatiyadda, aruurinta canshuurta iyo ruqsadaha dhulka ka hor.

Gudoomiyaha Degmada Warsheikh ahna duqa magaalada ma ahan in awoodiisa ku wareejiyo saraakiil iyo duul ka baxsan golaha, guddiyadda joogtada iyo maamulka degmada.

QODOBKA 57aad ee sharciga lagu dhisay golaha deegaanka Warsheikh waxa uu ka hadlayaa:
QANDRAAS BIXINTA DOWLADDA HOOSE – halkaan Warsheikh.

Hawlaha ogolaanshaha qandaraasyada haddii uu ka yaryahay qandaraaska 5000 USD, waxaa leh bixintiisa guddiga joogtada ee golaha deegaanka. Haddii uu ka badan yahay 5000 USD qandaraaska, farqada 2aad waxaay leedahay guddiga joogtada aa dadweynaha deegaanka uu khuseeyo qandaraaska u soo bandhigaayo, isla markaasna siinayaan cida ku guuleysato qandaraaska. Farqada 4aad ee qodobka 57aad, haddii aanan loo marin sidaas kor ku xusan, qandaraaska waa waxba kama jiraan. Guddiga joogtada ee golaha deegaanka waa in ay qabsadaan hawshooda, ee ma ahan in ay dhahaan waa lala dhuuntay.

Ugu dambeyn, waxaa mustaqbalka dhaw la yeelan doonaa dhammaan xubnaha golaha deegaanka kulan haddii aan nahay xildhibaanadii Hirshabeelle ee deegaanka ka tirsan.
Haddaba, waa kala cadaan doontaa haddii dadweynaha idin kalmeynaynin golaha ay dhisteen ama haddii golaha awoodiisa ku wareejiyay duul aan ka mid aheyn golaha, saas awgeedna ka gaabiyeen mas’uuliyadii lii idmaday.

WA BILAAHI TOWFIIQ

WAXAA QORAY XILDHIBAAN
MOHAMUD HUSSEIN MOGHE

NB

Saldhiga Degmada Warsheikh waa in uu hawlgalo.

Xaruunta Maxkamada Degmada waa in ay shaqeyso

About Author