Post View....

Madaxweynihii hore ee Kenya oo geeriyooday

0
79

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel Arab Moi ayaa saaka subaxdii hore ku geeriyooday magaalada Nairobi, sida uu xaqiijiyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Daniel Arab Moi oo ahaa 94 sano jir ayaa soo xukumayay dalka Kenya 24 sano, isagoo xukunka ka dagay sanadkii 2002.

Bilihii la soo dhaafay ayaa la sheegay inuu xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay gudaha iyo dibadda Kenya, waxaana mar la dhigay Isbitaalka weyn ee Nairobi Hospital

Daniel Arab Moi waxaa uu dhashay 2-dii bishii September ee sanadkii 1924, waxaa uu ka soo jeedaa Qowmiyadda Kalenjinta ee degta Galbeedka Kenya.

Waxaa uu soo noqday Madaxweyne kuxigeenka dalka kenya sanadkii 1967, waxaana xilka Madaxweynenimo loo dhaariyay sanadkii 1978-dii, waxaa uu ahaa Madaxweynihii labaad ee Kenya, kaddib Madaxweynihii u horeeyay Joma Kenyatta.

 

About Author