Post View....

Xildhibaan Fiqi “Lacago Ka Mid Ah Musharaadka Ciidamada Bishii January waxaa la dhigtay Shirkadda FOREX..”

0
80

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabaka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in bishii la soo dhaafay ee Janaayo 2020 aan wax Mushaar ah la siinin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Fiqi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in qolo dhexe ay isku dayayso in ay goosato ugu yaraan Mushaarkii bishii janaayo ee lasiin lahaa dhamaanka Ciidanka dowladda.

Sidoo kale Xildhibaan Fiqi ayaa waxaa uu tilmaamay in warar soo baxaya ay sheegayan in Madaxda Qaranka qaarkood la tuhunsan yahay In ay lacago ka mid ah mushaaraadka ay si khaas ah (private) ugu darsadeen suuqa sarrifka lacagaha qalaad (forex), si ay faa’ido ayaga u gaar ah uga raadsadaan.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Mushaaraadka Ciidanka Xoogga dalka loo bixiyo sida Miisaaniyadda 2020 ugu qornayd.

Qoraalka Xildhibaanka halkan Hoose ka aqriso:-

Mushaarkii ciidamada xoogga dalka waxaa lagu soo waramayaa in aan la bixin bishii dhamaatay, uuna jiro qorshe ah in mushaar kordhintii ciidamada xoogga dalka loo sameeyey ee ku jirtey miisaanoyadda 2020 in qolo dhexe isku dayayso in ay goosato ugu yaraan mushaarkii bishii January.

Waxaa kaloo suuqa ku jirta in madaxda qaranka qaarkood la tuhunsan yahay In ay lacago ka mid ah mushaaraadka ay si khaas ah (private) ugu darsadeen suuqa sarrifka lacagaha qalaad (forex), si ay faa’ido ayaga u gaar ah uga raadsadaan, arrintaanoo noqonaysa khiyaano iyo musuqmaasuq weyn haddii sida loo sheegayo ay u dhacdo.

Ciidamada mushaarkooda sidii miisaaniyadda ugu qornayd waa In loo bixiyaa

About Author