Post View....

Kulan Howleedka Astaynta Awoodaha Oo Muqdisho Lagu Soo Gabagabeeyay.

0
61

Kulan howleedka Shaqo ee astaynta awoodaha, kheyraad-wadaagga iyo nidaamka maaliyadeed ee federaaleynta ee dib u-eegista dastuurka oo muddo 6 cisho ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay waxaana ka soo qayb galay wasaardaha kala duwan ee dowladda iyo khuburro caalami ah iyo kuwo Soomaali ah.

Muddadii uu socday kulan howleedkan shaqo waxa ay wasaarad walba soo bandhigtay warbixinno kusaabsan awoodaha jira iyo sida loogu kala qaybiyo heer federal iyo heer dowlad goboleed iyagoona kadibna lagala dooday waxa ay saldhig uga dhigeen soo jeedimahooda.

Muddadii uu socday kulankan shaqo waxaa warbixino ka soo jeediyay Wasaaradaha Boostada iyo Teknaloojiyadda, Xanaanada Xoolaha, Kalluumaysiga, Petroolka & Macdanta, Beeraha, Tamarta & biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqada & Arrimaha Bulshada, Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka iyo Xuquuqul insaanka, Dekadaha iyo Gaadiidka badda, Ganacsiga iyo Warshadaha, Howlaha guud, Gaadiidka iyo Duulista hawada iyo kuwa kale, waxayna soo bandhigeen mowduucyada la xiriira astaynta awoodaha ee heeraka dowladda ee quseeya wasaaradahooda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka mudane Saalax ahmed Jaamca oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in wasaaradda dastuurku ay ka shaqaynayso in la helo aragti midaysan oo la xiriirta awood qaybsiga oo ah arrin masiiri ah oo ubaahan in heshiis siyasadeed laga gaaro si loogu qoro dastuurka.

“Waa in laga heshiiyaa mabaadii’da galaysa dastuurka ee la xiriirta awood qaybsiga, wasaarad kasta waxaan uga fadhinnaa in ay warbixin tifaftiran ka keento awoodaha jira iyo sida loogu kala qaybiyo heerarka dowladdaha federaalka ah islamarkaana tixgelinayna xaaladda dalkeena” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Gabagadii waxaa la isla gartay in wasaaraduhu ay soo gudbiyaan warbixinno dhamaystiran si loo helo aragtida dowladda ee la xiriirta awood qaybsiga si heshiis siyaasadeed looga gaaro.

About Author