Post View....

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandhera & Cabsii dagaal saakay….

0
73

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xiisad dagaal ay ka jirto magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandhera oo ku kala yaal xadka kala qeybiya dalka Soomaaliya iyo Kenya.

Xiisadan ayaa salka ku haysa kadib markii ay fariisimo ka dhex sameysteen gudaha magaalada Mandhera ee dalka Kenya ciidamo daacad u ah maamul goboleedka Jubbaland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhowaan ka baxsaday gacanta dowlada federalka.

 

Ciidamo daacad u ah dowlada federalka ayaa isku urursanayo xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo laga cabsi qaba inay weerar ku qaadaan hotel uu ka degen yahay magaalada Mandhera Cabdirashid Janan oo ay dowlada federalka u jartay waaran lagu soo qabanayo.

 

Dowlada Soomaaliya ayaa hore ugu eedeysay dowlada Kenya inay ammaan gelinayso Cabdirashiid Xasan Nuur oo loo haysto dambiyo dhinaca bani’aadanimada ah.

 

Dad badan oo ku noolaa agagaarka xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa bilaabay inay ka cararaan guryahooda iyagoo gabaad u raadsaday xaafado kale oo ku yaal magaalada Mandhera.

 

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya kana soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ayaa ku eedeeyay ciidamada uu horkacayo Cabdirashiid Janan inay cabsi iyo qalqal geliyeen shacabka ku nool magaalada Mandhera.

 

 

 

Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayaa dagaal ku dhex maray magaalada Beled-Xaawo ciidamada dowlada federalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland waxaa uu geystey qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

 

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka gobolka Gedo ayaa ugu hanjabay dowlada Kenya inay gudaha u soo geli doonaan ciidamada Soomaaliya haddii aysan dowlada Kenya joojin weerarada ay ka soo qaadayaan gudaha dalka Kenya ciidamada daacada u ah Cabdirashiid Janan.

 

Xildhibaan Cumar Macalin oo laga soo doorto Mandhera ayaa ugu baaqay dowlada Kenya inay soo xirto Cabdirashid Janan oo u gacan geliso dowlada Soomaaliya amaba ay ka saarto isaga iyo ciidamadiisa magaalada Mandhera.

 

“Ma garan karo waxa ay ka faa’ideyso dowlada Kenya inay magangeliso dambiile, dambiilaha ha la xiro oo ha lagu wareejiyo dowlada Soomaaliya.”ayuu yiri xildhibaan Cumar Macalin.

 

Hase yeeshee ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo la xiriira xiisada ka jirta xadka kala qeybiya labada dal.

 

About Author