Post View....

XASAASI: Mareykanka Oo Galabta soo saaray War kusaabsan Soomaaliya

0
55

Dawlada Mareykanka ayaa waxay faah faahin ka bixisey Duqeyn diyaaradaheeda ka fuliyeen deegaano Al Shabaab kaga sugnaayeen Koonfurta Soomaaliya.

Dhowr gantaal ayaa ku dhacay sida ay Taliska Mareykanka Qaarada Africa Ee Magacooda loo soo gaabiyo AFRICOM sheegeen.

Waxaa la beegsaday Xarun Ururka Al Shabaab ku lahaayeen Degmada Jilib Ee Gobolka Jubada Dhexe,iyadoo sargaal katirsan Shabaabka la dilay.

General Bradford Gering oo uhadlay Taliska Ciidanka AFRICOM waxa uu sheegay in howlgal najaxay uu ahaa laguna beegsaday Argagaxisada oo maleegayey inay duulaan qaadaan.

Waxay Taliska AFRICOM sheegeen inay sii wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah Shabaab Ee Lagu beegsanayo Xeerada ay kusugan yihiin.

About Author