Post View....

Guulaha Muuqda Ee Madaxweyne Farmaajo 3 Sano Kadib Keenay [Daawo Sawirada]

0
72

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa maanta ubuuxsantay Seddex Sano uu Xukunka Hayo,taas oo Safaro dibada ah oo badan sameeyey.

Kii ugu dambeeyey maanta ayuu Adis ababa gaaray oo shir madaxeedka Africa Halkaasi kaga qeyb geli doonaa.

Dadka Siyaasadiisa naqdiya waxay ku sheegeen mid ku fashilmay waxyaabo uu hore u ballan qaaday ololihiisii doorashada.

Farmaajo ayaa ku guuleystay in Goobo taariikhi ah la dhiso oo barnaamijka la yiraahdo Is Xilqaan lagu dhisay,sida aad sawirada hoose ka arki doontaan Waa Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ee Tiyaatarka Muqdisho.

Sidaas oo  kale Mashaariic badan ayaa hir galay sida Muxaafidiinta Dawlada Soomaaliya ku faanayaan,Madxafka Qaranka iyo Madbacadii Qaranka oo is xilqaan lagu dhisay.

Sharciyo Dalka muhiim u ah ayuu Qaarna Farmaajo saxiixay markii ay Labada Aqal kasoo gudbeen oo kii ugu dambeeyey maanta uu saxiixay Sharciga Shidaalka Soomaaliya,iyadoo Sharcigii Doorashooyinka Qaranka Aqalka Sare meel mariyeen oo isaga inuu saxiixo keliya harsan tahay.

Farmaajo ayaa Sanadkii hore iska dhiibay Jinsiyadii labaad Ee Mareykanka uu ka heystay si uu ugu soo laabto Xukunka ugana hor istaago Baasabooro Ajnabi ah kuwo heysta oo xilka 2021-ka Sanadka dambe raadinaya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhamaan ballan qaadyadiisii Ka hor inta aan madaxweyne loo dooran ee Baarlamaanka ka horjeediyey midna ma hirgelin.

Sida inuu Dib udhiso Goobaha Qaraxyada Shabaab ku bur buriyaan,Qarax qofkii soo sheega uu lacag siin doono dalkana ka dhoofin doono,Safarada Dibada uu yareyn doono,Amniga uu gacan bir ah ku qaban doono iyo kuwo kale.

     

About Author