Post View....

Wasiir Khadiijo” Ma aqbaleyno in Guryo laga dhex dhisto Stadium Muqdisho” Digniine ujeedisay Shaqsiyad

0
72

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay jiraan mas’uuliyiin doonaya inay Guryo ka dhex dhistaan Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Khadiijo waxaa ay sheegtay in marnaba aysan aqbaleyn in dad gaar ah ay Guryo ka dhex dhistaan Garoonka,go’aankaas oo ay horay uga xishoodeen madaxdii dalka soo martey sida ay hadalka u dhigtey.

“Aniga ka wasiir ahaan,Gos dhamaan xiriirada Ciyaaraha kala duwan ee hoostaga Gos iyo Bahweynta Sportiga Soomaaliyeed marnaba ma aqbali doono in dhulka Garoonka muqdisho laga dhex dhisto Guryo,waxaas waa wixii 30-kii sano ee la soo dhaafay ay ka xishoodeen Jabhadihii iyo hoggaamiye kooxeedyadaii soo maray dalka ayay tiri”Wasiir Khadiijo.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegtay in ay haatan dalka uu leeyahay dowlad ilaalisa amnigiisa,isla markaana an la yeeli doonin in Garoonka ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed Guryo laga jeexdo in kastoo aysan shaacin dadka damacsan qorshaas.

Garoonka oo horey fariisin u aheyd Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa dowladda hadda jirta waxaa ay ku guuleysatay in in Ciidamada laga saaro,isla markaana dayactir lagu sameeyo si loogu Ciyaaro.

 

About Author