Post View....

Taliye Xijaar” Amniga dalka meel xun buu Marayaa”+Dhageyso

0
77

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in amniga dalka lagu soo duuley oo uu gaarey meel xun,isla markaana ay jiraan dad diidan dalka amnigiisa iyo hormarkiisa.

Waxaa uu sheegay in Amniga qof walba uu mas’uul ka yahay,hayeeshee ay u muuqato in xaduudaha dalka ay iska furan yihiin,sidoo kalena Injineerada ka qeyb qaadanay dalka dhismahiisa la qarxinayo oo la dilayo.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayuu ugu baaqay inay hubiyaan dadka soo galaya dalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeedna ay dhankooda sugi doonaan Amniga Gudaha dalka Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.


About Author