Post View....

Wariye sabab yaab leh loogu xiray magaalada Baydhabo kadib markii Facebook…

0
69

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in lagu xiray nin Wariye ah, oo ka hawlgala mid ka mid ah telefishinada ka shaqeeya Deegaanada Koonfur Galbeed.

Wariye Xuseen Cali Geesey ayaa maanta lagu xiray Saldhiga Booliska ee Degmada Buurhakaba, ka dib markii lagu soo eedeeyay qoraal uu Isniintii dadka kula wadaagay bartiisa Facebook.

Wariyaha oo ka hawlgala Telefishinka 5Stv ayaa waxaa looga yeeray inuu yimaado Saldhiga Booliska ee Degmada Buurhabaka, ka dib markii uu sidaasi ku wargeliyay Cabdi Maxamed Axmed, Taliyaha Saldhiga Booliska Buurhabaka.

Wararka ayaa sheegaya in Wariyaha loo sheegay inuu xarig yahay, sababo ku aadan qoraalkii uu ku faafiyay shabakadda bulshada ku wada xiriiraan ee Facebook.

Agaasimaha Telefisinka Five Somalitv, Fuaad Cabdi Maxamed ayaa xaqiijiyay xariga maanta ninka Wariyaha ah loogu gaystay Degmada Buurhakaba.

Taliska Ciidamada iyo Maamul Goboleedyada ayaad mooddaa inaanay dulqaad u lahayn kolka war aanay jecleysan ku arkaan barraha bulshada.

Maamulada dalka ka jira ayaa waxaa lagu dhaliilaa inay si khaldan u fahmeen adeegsiga barraha bulshada, iyagoo qaarkood ka samaystay kooxo ay ku weeraraan dhinacyada ay siyaasadda dalka isu hayaan, dulqaadse uma laha marka lagu baahiyo qoraalada lagu saxayo khaladaadkooda.

Somaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo, iyadoo loogu gaysto handadaad/cago jugleen, xarig iyo dilba.

About Author