Post View....

Sarkaal ciidamada DF ee Gedo u sheegay in Somalia iyo Itoobiya ay yihiin hal dal

0
62

Sarkaal tirsan ciidanka Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin hal dal oo kale.

Sarkaalkaan oo ku sugan degmada Doolow, islamarkaana la hadlayey cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in uusan farqi u dhexeyn labada ciidan, gaar ahaan ciidamada Itoobiya ee jooga gobolka iyo kuwa Soomaalida ee dhowaan geeyey halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u taagan yihiin hal calaamad, islamarkaana aysan kala gaar aheyn ciidamadu, sida uu hadalka u dhigay.

“Askarigii horay halkaan u joogay iyo kuwii ka yimid Federaalka wax aan ku kala duwannahay ma jirto, mid ayaa nahay, hal calaamad ayaa u taagganahay dad kala gaar ah ma nihin, hal mid inaa noqono oo aan wada shaqeyno ayaa loo baahan yahay” ayuu yiri sarkaalka oo ku hadlayey afka Amxaariga.

Sarkaalkaani oo sii hadlayey ayaa sidoo kale ciidamada kula dardaarmay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabad gelyada deegaanka.

Itoobiya ayaa marar badan madaxdeedu waxa ay ku dhawaaqeen hadallo kala duwan oo muujinaya damaca dheer ee ay ka yihiim arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Hadalka sarkaalkaan ayaase ku soo aadaya, iyada oo dhowaan dowladda federaalka ay ka digtay faragelin dibadeed, gaar ahaan mida Kenya ay ka wado gudaha Soomaaliya.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=nsbiOjba12g]

About Author