Post View....

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Wadahadalo Adis Ababa uga furmay MD Farmaajo & Muuse Biixi&Xogo cusub

0
74

Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah golihiisa wasiirada ayaa lagu wadaa gaaraya Adis Ababa waxaana kulankaas uu ka qabsoomayaa caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa.

Safar Mr Biixi Madaxweynaha Somalilad uu ku tagaya Adis Ababa oo ahaa mid aan horay looshaacin ayaa imaanaya xili magaaladaas uu sidoo kale ku sugan yahay Madaxweynaha Somalia oo ka qeyb galaya shir madaxeedkii madaxda midowga Africa.

Madaxweyne Biixi iyo waftigiisa ayaa casuumaad ka helay dowladda Ethiopia iyada oo casuumadan looga gol-leeyahay in lagu kulansiiyo Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka labada masuul ayaa la iskula soo qaadi doonaa sidii Somaliland looga dhaadhicin lahaa in walaalahooda koonfurta dib ula midoobaan, isla markaasna ay ka tanaasulaan barnaamijkii gooni isutaaga oo in ka badan 20 sano ay Somaliland iyo maamulkoodu ku taamayeen.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu soo qaadi doonaa heshiisyo cusub oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dalka Ruushka halkaas oo ay saldhig la qorsheynayo inay ka sameystaan.

Dowladda Ruushka ayaa markii ugu horeeysay dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera kaas oo ahaa garoon milatari, balse Ruushku ayaa hadda doonaya inay dib ula wareegaan.

Dhowaan ayay ahayd markii Somaliland ay heshiis la galay dalka Imaaraadka kaas oo loogu ogolaanayay in UAE ka sameysato saldhig milatari magaalada Berbera.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya aya heshiis horey ula galay dowlada Itoobiya kaas oo ah inuu ku wareejiyay dekedo ay ka mid tahay dekedda Berbera, taas oo iyadana la doonayo in madaxweyne Biixi laga gado in uu aqbalo.

MD Somalia ayaa dadaal ugu jira inuu helo saaxiibo gobolka ah xili ay dalka uu isku diyaarinayo doorashadda nadaxtinimadda.

Si kastaba, Dekedaha Itoobiya lagu wareejiyay ayaa lagu wadaa in kor qaadaan koboca dhaqaalaha labada dal sida ay sheegeen labada hogaamiye.

Hadaba Wararkii kusoo kordha Wararkeena Dambe ayaa kala socon doontaan Insha Allah

Xogtaan Waxaa isku soo aruuriyay
Xasan Kaafi-Xalane

About Author