Post View....

XOG: Axmed Madoobe Oo Diiday Dalabka Dawlad Xiriir La Leh Villa Soomaliya

0
60

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa ka biyo diiday Codsi ka yimd Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

Warar lagu kalsoon yahay Oo Kusugan Nairobi ayaa Badweyn waxay sheegeen in Shuruud uu Axmed Madoobe ku xiray inuu tego Adis ababa.

Waxaa laga dalbaday inuu Adis ababa yimaado Axmed Madoobe si loo wada hadal siiyo madaxweyne Farmaajo oo hadda kusugan Adis ababa.

Axmed Islaam Madoobe ayaa shuruuda uu keenay waxay tahay in Xanibaada laga qaado Maamulkiisa oo dhinaca Hawada laga saaray oo dadkii ay waayeen ganacsi iyo alaabihii uga imaan jiray Muqdisho.

Sidaas oo kale waxa uu dalbaday in Dawlada ay qaadato khaladaadka muuqda ee Jubbaland ka gashay kana bixiso mag dhaw dadka intii Xanibaadaas jirtay dhibta soo gaartay.

Inta ka horeysa waxa uu diiday Madoobe inuu Wada hadalka Adis ababa loogu yeeray uusan tegi doonin lana fadhiisan doonin Farmaajo.

About Author