Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Soomalaiya ayaa la sheegay in ay mas’uul ka yihiin amnidaradda ka jirta Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Aqoonyahan Xasan Shiikh oo kamid ah xubnaha sida dhow ula socda siyaasadda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano iyo wasiiro qeyb ka ah amnidaradda ka jirta Magaaladda Muqdisho.
Waxa uu sheegay in hayo magacayadda Xildhibaanadda iyo wasiiradda Dowladda ka Tirsan,islamarkaana qaar kamid ah waqti walba ay dhaleeceen u jeediyaan Dowladda haatan jirta, si loo fashiliyo hormarka Dowladda.
Ugu dambeyntii Aqoonyahan Xasan Shiikh ayaa ugu baaqay Xildhibaanadda iyo wasiiradda ka qeyb qaadanaya Duminta Dowladda iyo amnidaradda in ay kasoo laabtaan.