Post View....

Uganda: Askar ku dhaga beeshay weerarada Al shabaab oo la gudoonsiiyay Qalabka maqalka fudeeya.

0
67

Ciidamo ka tirsan Milatariga Ugandha oo ku dhaga beebay weerarada Al shabaab ee Soomaaliya ayaa la gudoonsiiyay Qalabka maqalka fudeeya.

23 askari oo tirsanaa Ciidanka AMISOM oo ku dhego beelay qaraxyo Al shabaab la eegteen ayaa la siiyey Qalabka maqalka u fududeeya dadka dhegaha ka jiga ee aan sida fiican  wax u maqli karfin.

Askartaasi ayaa la sheegay inay ku dhego beeleen muddadii ay qeybta ka ahaayeen Hawlgalka AMISOM, iyadoo mid ka mid ah Askartaasi oo la hadlay Warbaahinta sheegay in uu dhibaato xooggan ku qabay maqal la’aanta afartii sano ee la soo dhaafay.

Askarigaasi oo aan fasax u haysanin in uu Saxaafadda la hadlo waxa uu tilmaamay inuu qarax ka dhacay meel ku dhow Ciiddanka AMISOM ku dhega beelay, isla markaana uusan wax ka maqli Karin labadiisa dhegood.

Waxa uu intaasi ku daray in uu fahmi karo waxa ay Saaxiibadiisa ku hadlayaan, marka ay dibnaha kala qaadaan.

Hay’adda Wax-maqlida ee lagu magacaabo The Starkey Hearing Foundation ayaa la sheegay inay Qalabkaasi ugu deeqeen Askarta Uganda ee ku dhego beelay Qaraxyadda Hawlgalladda AMISOM.

Agaasime Gobaleedka Hay’addaasi u jooga Uganda, Maxamed Kayesirikide waxa uu sheegay inay Ciiddankaas siiyeen Qalabkaasi, isla markaana ay si lacag la’aan ah u heli doonaan Batariga Qalabkaasi iyo adeegyada kale ee dheeraadka ah.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa qalabkaan gudoonsiyay Askarta ku naafowday Weerarada Al shabaab ee Gudaha Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay xaqiijisay inay 360 million oo qof oo ku nool dalalka Caalamka ay dhibaato ka qabaan dhanka Maqalka sababo la xiriira dhibaato ka dhalatay Qaraxyadda, Shanqarta aadka u dheer ama in lagu guul-daraysto daaweynta Infeshinada ku dhaca dhegaha.

 

About Author