Post View....

Wasiir Beyle iyo Danjiraha Ruushka ee Soomaaliya oo kawada hadlay qorshaha deynta Dalka.

0
58

Kulan gaar ah oo dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale iyo Danjiraha Ruushka arrimaha Soomaaliya Mikhail Golovanov oo ay kawada hadleen deynta cafinta Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa uu ku caddeeyay in Ruushka uu yahay dalka 2-aad ee deynta ugu badan ku leh Soomaaliya.

“Djibouti: Waxaan maanta la kulmay Safiirka Dowladda Russia ee Soomaaliya H.E. #Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay Arimaha Deyn-Cafinta Soomaliya, Ruushka waa dalka 2aad ee deynta ugu badan nagu leh, wada hadalkeenu waxa uu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen” ayaa lagu yiri qoraalka Wasiir Beyle uu soo dhigay bartiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay wadaa qorshaha deyn cafinta oo ay kula kulmeyso dalalka lacagta ku leh muddo fog, si ay ugu cafiyaan maadaama xiligaan aysan awoodin bixinteeda.

25-kii bishii tagtay Janaayo, Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya waxa ay ansixiyeen kaalmada deyn cafinta Dowladda Norway oo bixineysa $400 Milyan oo ah lacagta Bangiga Adduunka uu ku leeyahay Soomaaliya.

Sidoo kale Dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa dhankooda ballanqaaday bixinaya ammaahda ay Soomaaliya ku leeyihiin Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

 

About Author