Post View....

Coronavirus oo Magac cusub oo loo bixinayo {Akhriiso}

0
56

Caabuqa Corona wuxuu saameeyay kumanaan qof oo ku nool dalka Shiinaha iyo dalalka kale ee caalamka, balse caabuqa faraha ba’an ku haya dadkaas maleh wax magac ah oo loogu yeero. Midka hadda la adeegsado ee coronavirus, waxaa hoos yimaada caabuqyo kale oo badan.

Hay’adda caafimaadka adduunka iyo dhakhaatiirta dalka Shiinaha ayaa xanuunkan u sameeyay magac garasho oo ku meel gaar ah, kaas oo ah 2019-nCoV.

Koox seynisyahanno ah ayaa tan iyo markii uu cudurka ku soo kordhay dunida, waday sidii ay magac ugu heli lahaayeen cudurkan, si aana loogu khaldin xanuunada kale, waxayna BBC-da u sheegeen in ay ku dhaw yihiin inay magac rasmi ah u helaan caabuqan.

“Magac u helidda caabuqan dib ayey u dhacday, Haddana waxaa lagu hawlan yahay ka jawaabida xaaladda caafimaad oo ah mid loo qaateen ah,” ayuu yiri Crystal Watson, oo ah bare jaamacadeed oo katirsan Hopkins Center for Health Security.

Dhakhaatiirta ayaa caabuqan mudodoyiinkii dambe ugu yeerayay novel corona ama coronavirus.

Hay’adda caafimmaadka adduunka ee WHO ayaa soo jeedisay in caabuqan si ku meel gaar ah logu magac daro 2019-nCoV,, taas oo qeyb ka ah sannadkan oo xanuunkan la ogaaday.

“Magaca hadda la adeegsanayo ma ahan mid sahlan in la isticmaalo, sababtoo ah warbaahinta iyo dadweynahaba waxay adeegsanayaan magacaas,” ayuu yiri Dr Watson.

“Khatarta ay leedahay arrintan ayaa ah in haddii aysan jrin magac rasmi ah oo caabuqan loogu yeero, dadku waxay bilaabayaan inay adeegsadaan ereyo sida China Virus, taasina waxay dhibaato ku keeneysaa bulsho gaar ah.”

In guddigan ay magac u helaan cabuuqan waxay mas’uuliyad ka saaran tahay gudidiga caalamiga ah ee Taxonomy Viruses iyo hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Cuduradii horay loogu arkay dunida ayaa keenay in kooxda ay sameeyaan tallaabooyiin taxadar leh, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa xanuunkii H1N1 ee sannadkii 2009-kii ka dilaacay dunida, kaas dadku ay ugu yeeri jireen “swine flu” ama hergabka shimbiraha.

Arrintaa waxay sababtay in dadka reer Masar ay gawracaan doofaarka, inkastoo xanuunkaas ay dadka aadanaha ah kala qaadayeen oo uusan dofaarka faafineynin.

“Waxaanu aragnay cuduro dhibaato u keenay dadka heysta diimo kala duwan ama bulsho gaar ah, waxayn keentay in dhibaatooyiin ay la kulmaan dadkaas marka ay safrayaan ama ay ganacsanayaan,” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay khubarada ku hawlan magac u helida caabuqa Corona.

Kooxda caafimaad ayaa laba toddobaad kahor bilaabay magac u helida xanuunkan, waxaana magaca ay isku waafaqaan ay dhawaan u gudbinayaan jaraa’idka wax ka qora arrimaha caafimaadka, si loo daabaco, dadkuna ay u ogaadaan.

Caabuqa Corona ayaa dhibaato ba’an ku haya dalka Shiinaha, wuxuuna haleelay dad gaaraya 25 kun oo qof, halka ku dhawaad shan boqol oo qofna ay u dhinteen.

Xanuunkan ayaa saameeya dhaqaalaha dalka Shiinaha, wuxuuna keenay in dalal badan ay muwaadiniintooda kala baxaan Shiinaha, si loo yareeyo faafidda xanuunka.

 

About Author