Post View....

Toogasho iyo qarax miino oo siyaabo kale duwan uga dhacay muqdisho & Halis dhinaca amniga oo kajirta

0
87

Amaanka magaalada muqdisho ayaa laga deyrinayaa marka loo firiyo sidaa ay tahay xalada maanta magaalada waxaa ka dhacay dilalkii ugu badnaaa iyo qaraxyo oo badii ay sheegten alshabab

Wararka ka imaanaya Xaafada Black Sea  ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas Kooxo hubeysan ay ku dileen Darawal Mooto Bajaaj.

Rag ku labisan direeska Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in saaka Xaafada Black Sea degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dileen Wiil Bajaajle ah waxaana la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay Mobile kii ka qaateen Marxuumka ay dileen.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in  kooxda dilka geysatay in ay doonayeen marxuumka in ay ka dhacaan Mooto Bajaajta uu ku shaqeysanayay muran kadibna ay toogteen.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday waxaana meydka marxuumka goobta ka qaaday dadka deegaanka oo ku wareejiyay laamaha amaanka Magaaladda Muqdisho.

Isla degmada Hodan magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay qaraxmiino oo  la eedtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan, qaraxa oo ahaa Miino wadada lagu aasay ayaa qabsatay gaari Cabdi Bile ah, kaasoo marayay Irida Carwadii hore ee Qaranka oo ku taala xaafada Taleex.

Dad goob joogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay iney arkeen khasaare gaaray askarta la beegsaday, walow aysan si dhab ah u xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay, maadaama ay ku adkaatay iney u dhowaadaan.

Irida Carwada oo ku taala meel aad ugu dhow xarunta degmada Hodan ayaa dhowr jeer sida oo kale qaraxyo Miino oo khasaare kala duwan sababay lagula eegtay askar dowladeed iyo qaar kamid ah Haweenka ka shaqeeya arrimaha nadaafada.

Majirto cid sheegatay masuuliya qaraxa ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaana inta badan weerarada noocaan ah looga bartay dagaalamayaasha Al shabaab.

 

About Author