Post View....

Saraakiil Ciidan Oo Maanta Ku Wajahan Degmada Beled-Xaawo Ee Gobolka Gedo & Xiisad culus oo halkasi ka jirta

0
102

Wararka Badweyn ay ka helayso degmada Beledwe-xaawo ee gobolka Ged ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas maanta ay ku wajahanyihiin saraakiil Ciidan.

Ammaanka degmada Beledxawo oo maalma ka hor ay gaareen ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana ku wajahan taliyaha xasilinta gobolka Gedo iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ee mamulka Jubbaland kadibna ay sii aadi doonaan magaalada Muqdisho halkaas oo wadahadal uu uga furmayo looga hadlayo arrinta gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi ay u tegayaan qiimaynta shaqada ciidamada iyo kormeer ay ku samaynayaan saldhigyada ay degeen ciidamada la wareegay degmada Beled-xaawo,iyada oo la faray saraakiisha ciidamada in ay joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada kuna sugnaadaan fariisimadooda.

Maalmihii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa diyaarado waxa ay ciidamo ku geysay degmooyin ka tirsan gobolka gedo oo ay ka mid tahay degmada Luuq iyaga oo markii dambana usii tallaabay dhinaca Beled-Xaawo iyada oo aan la sheegin ilaa iyo haatan ujeedada ka dambeysa.

 

About Author