Post View....

Taliye Xijaar “Aminga dalka meel xun ayuu marayaa, kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa..”

0
71

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ammaanka dalka uu meel xun marayo, isagoo xusay in dalka amnigiisa lagu soo duulay.

Taliye Xijaar oo ka hadlayay kulan looga hadlayay isku xirka howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa ugu baaqay Hey’adda Socdaalka in ay koontaroosho dadka soo galaya.

“Amniga dalka meel xun buu marayaa, amniga waa lagu soo duulay, kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaaray” ayuu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Dalka horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasisho”ayuu hadalkiisa raaciyay Taliye Xijaar.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dad aan rabin in dalkaan horay u socdo isla markaana ka shaqaynaya in ay wax bur buriyaan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay wada shaqeynta Hey’adda Socdaalka iyo Booliska, isla markaana ka wada qeyb qaataan ilaalinta amniga iyo koontaroolka dadka dalka soo galaya.

Halka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed  Xijaar ayaa imaanayo iyada oo dhamaadkii sanadkii tagay ee 2019,Hay’da Nabad sugida  Soomaaliya ay sheegtay in ay Madaxda Dowladda u gudbisay Warbixin la xariirta in qaraxii 28 december 2019,ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye ay ku lug lahaayeen Dowlada Shisheeye,hayee ay Al shabaab sheegteen Masuuliyada Qaraxaasi.

Hay’adda Sirdoonka iyo Dowladda Soomaaliya midna Xog kama bixin Baaritaankaasi halka uu ku dambeeya iyo hadii ay jiraan wadamo ku legyeeshay Weerarkaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 100 Ruux oo Soomaali iyo Injeero Turki ah isku jira.

About Author