Post View....

Maamulka Puntland oo toogatay 2 ka mid ah raggii ku eedeysnaa Kufsiga iyo dilka Caasho Ilyaas.

0
83

Maxkamadda Gobolka Nugaal ayaa maanta oo talaado ah fulisay xukun dil ah oo lagu riday Raggii ku eedeysnaa kufsiga iyo dilkii Caaisho Ilyaas Aadan oo maray heerarka kala duwan ee Maxkamadda.

Fulinta Xukunka waxa uu ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana goobjoog ka ahaa Aabaha Caaisho Ilyaas Aadan, saraakiil katirsan Maamulka iyo qaar kamid ah Bulshada Magaalada.

Maxkamadda ayaa toogatay labo ruux oo kamid ah saddexdii Nin ee loo heystay kiiskaan waxaana ragga xukunka lagu fuliyay ay kala yihiin, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed dige, halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame dib loo dhigay fulinta dilka lagu xukumay.

Ilyaas Aadan oo ah Aabaha Gabadha kiiska uu ku dhacay oo Warbaahinta kula hadlay Boosaaso waxa uu sheegay in dib u dhigista Xukunka Cabdisalaan uu ka yimid dhankooda iyo qoyska Wiilka, maadaama Walaalkii oo ay isku dambi ku eedeysan yihiin Maanta la toogtay.

Waxa uu meesha ka saaray Warar sheegayay in labada Ehel ay ku heshiiyeen in Mag la siiyo qoyska Caasho Ilyaas, isla markaana Xukunka dilka ah laga dhaafo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

“Aniga ayaa Goobjoog u ahaa fulinta dilka, waxa ay iga dalbadeen kahor qiyaasta in aynu is cafiyo, waana cafiyay, waxa aan beeninayaa in labada qoys ay mag ku heshiiyeen si loo daayo Cabdisalaan Cabdiraxmaan, waa Dambiile waxaana dib loo dhigay fulinta xukunkiisa 10-Cishe” ayuu yir Aabe Ilyaas Aadan.

Falka loo geystay Caasho waxa uu dhacay 25-kii Febaraayo sanadkii 2019-kii, waxaana tan iyo xiligaas uu soo maray heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Gobolka Nugaal, waxaana ugu dambeyn la iclaamiyay in bishii tagtay in xukunka la fulinayo maanta oo ah 11-ka Febaraayo 2020-ka.

Caasho waxa ay ahayd Gabar Ardayad ah oo ku nooleed Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaa Kiiskeeda loo qabtay dhowr iyo toban ruux oo saddex kamid ah ugu dambeyn laga reebtay.

About Author