Post View....

Taliska CXS oo Fashiliyay Minooyin lagu aasay Wadada hareeraheeda oo la doonaayay in Shacabka lagu dhibaateeyo.

0
66

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay howlgalo ka sameeyeen deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa howlgalka intii uu socday waxay ku fashiliyeen Miinooyin lagu aasay wadada dhinaceeda, kuwaasi oo Ciidanka ay sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateyso shacabka isticmaala wadada Siinka dheer.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Genaraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka ay howlgalka Miinooyinka lagu soo saaray ay ka sameeyeen deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Genaraal Odawaa ayaa waxaa uu sheegay in miinooyinka ay wadada ku aaseen xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana ay Ciidanka Xoogga soo saareen waa sida uu hadalka u dhigay.

Howlgalkaas miinooyinka lagu saaray ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay Ciidamo ka tirsan dowladda Qarax xoogan lagula eegtay deegaanka Siinka dheer, waxaana Ciidanka qaraxaas kasoo gaaray Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

About Author